Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo Ismiidaamin ah oo Caawa ka dhacay meel u dhow Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana rag hubeysan ay gudaha u galeen huteel Xayaat ee ku yaalla halkaas oo ay ka dhex dagaalamayaan.
Gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray huteelka, sida ay sheegayaan dad goobta ka dhow, islamarkaana waxaa la maqlayaa dhawaaq rasaas xooggan oo ay ridayaan ragga hubeysan ee gudaha u galay huteelka.
Ilaa saddex qarax oo is xig-xigay ayaa Caawa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana aada u kacsan xaaladda goobta ay qaraxyada ka dhaceen, khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyada.
Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya ayaa aaga oo dhan isku gadaamay, waxaana la xiray gebi ahaan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa, ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadii Caawa ka dhacay Muqdisho