Maamulka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in rag hubaysan ay ugu yaraan 50 qof ku dileen, haween iyo carruurna ay ku afduubteen weerar habeen dambe ka dhacay tuulo ku taal gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria.
Weerarka ayaa bilaabmay habeenimadi Khamiista, isagoo socday ilaa subaxnimadii Jimcaha ee tuulada Tungan Dutse oo hoos tagta aagga Bukkuyum ee Zamfara, markaas oo rag hubeysan oo mootooyin wata ay soo galeen, iyagoo dab qabadsiiyay dhismayaasha, dadka deegaankana afduubtay.
“Waxay u kala gooshayeen tuulo ilaa tuulo kale… iyagoo ka tagay ugu yaraan 50 qof oo dhimasho ah,” ayuu yiri Hamisu A Faru, oo ah xildhibaan laga soo doorto Koonfurta Bukkuyum.
Faru oo khadka telefoonka ugu warramay wakaaladda wararka ee Reuters maalinkii Jimcaha, ayaa sheegay in tirada dadka la afduubay aysan weli caddeyn, maadaama saraakiisha deegaanku ay weli ururinayaan liiska dadka la la’yahay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in calaamadaha digniinta ah ay muuqdeen ka hor weerarka.
Abdullahi Sani oo 41 jir ah, ayaa sheegay in dadka tuuladu ay ku wargeliyeen ciidamada ammaanka ka dib markii ay arkeen in ka badan 150 mooto oo ay saaran yihiin rag hubeysan maalin ka hor, balkan wax tallaabo ah lama qaadin.
Meelo badan oo ka mid ah waqooyiga iyo galbeedka Nigeria ayaa weli la tacaalaya khataro amni oo is-biirsaday, oo ay ka mid yihiin kooxo dambiilayaal hubeysan iyo dagaalyahanno mucaarad ah.
Toddobaadkii hore oo kaliya, ugu yaraan 46 qof ayaa lagu dilay weerarro ka dhacay aagga Borgu ee gobolka Niger ee waqooyi-galbeed.
Weerarkii ugu dhimashada badnaa ayaa ka dhacay tuulada Konkoso, halkaas oo ugu yaraan 38 qof oo deegaanka ah lagu toogtay ama dhuunta laga gooyay, sida ay sheegayaan warbixinnadu.




