Koox u qaabilsan ammaanka ee ka howlgala Kanyonyo ee ismaamulka Kitui ayaa waxa ay qabteen gaari xamuul ah oo lambarkiisu yahay KDN 354D (Isuzu ah), kaas oo siday 31 dameero ah oo la soo dhacay.
Intii uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu soo qab qabtay labo eedeysane.
Eedeysanayaasha iyo xoolaha ayaa waxaa lagu wareejiyay saldhigga ciidamada Booliska Ijara ee Masalani.
Baaritaano horudhac ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dameeraha laga soo xaday Garsweyne ee deegaanka Faafi,ismaamulka Garissa.
Eedeysanayaasha ayaa ku xiran Saldhigga Booliska ee Masalani,iyadoo maanta oo isniin ah la soo taagi doona maxkmada.
Xoolihii la soo dhacay ayaa wali lagu haya saldhigga, iyadoo la sugayo aqoonsiga iyo in lagu wareejinayo dadkii lahaa.
Waaxda Adeegga Booliska Qaranka waxa uu bogaadinayaa feejignaanta kooxaha ammaanka ee hay’adaha kala duwan leh ee ku hawlan nabadda, waxana ay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay u adeegida iyo ilaalinta shacabka.