Raa’iisul Wasaaraha Denmark oo sheegay in weerar uu Mareykanka ku qaado Greenland uu noqon doono dhammaadka NATO

0
377

Raa’iisul Wasaaraha Denmark, Mette Frederiksen, ayaa ka digtay in tallaabo kasta oo Mareykanka uu ku doonayo inuu kula wareego Greenland ay horseedi doonto burburka isbahaysiga milatari ee NATO, iyadoo hadalladeeda ay imaanayaan xilli ay dunida ka taagan tahay welwel ballaaran oo ka dhashay weerarkii Mareykanka uu ku qaaday Venezuela iyo afduubkii hoggaamiyaha dalkaas.
Frederiksen ayaa hadalkan jeedisay Isniintii, kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu mar kale ku celceliyay baaqiisa ah in jasiiradda Greenland ay hoos timaaddo maamulka tooska ah ee Washington. Hadalladan ayaa sii kiciyay xiisadda ka dhex taagan waddamada xubnaha ka ah NATO, gaar ahaan Denmark iyo Greenland.
Trump ayaa maalintii Axadda sheegay in arrinta Greenland laga hadli doono 20 maalmood gudahood, isagoo ku adkeysanaya in jasiiradda ay tahay in lagu daro xukunka Mareykanka. Baaqan ayaa yimid maalin kaddib howlgal militari oo Mareykanka uu ka fuliyay Venezuela, kaas oo lagu afduubtay madaxweynaha dalkaas Nicolas Maduro iyo xaaskiisa.
Howlgalkaas militari ayaa si weyn walaac uga abuuray Denmark iyo Greenland, maadaama Greenland ay tahay dhul ismaamul ah oo hoos yimaada boqortooyada Denmark, isla markaana qayb ka ah isbahaysiga NATO. Dowladda Denmark ayaa u aragta tallaabo kasta oo ka dhan ah Greenland mid si toos ah u khatar gelinaysa wada shaqeynta amni ee NATO iyo xasilloonida guud ee gobolka Arctic.