Qoyska Syrian oo ka kooban 7 qof oo ku dhintay dab ka kacay gurigii ay deganaayeen

0
301

Qoys uu dhashay dalka Syria oo ka kooban 7 qof oo isugu jira 5 carruur, hooyadii iyo aabihii ayaa maanta ku dhintay dab qabsaday guri ay deganaayeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qoyskan ay horraan ka badbaadeen dhulgariirkii toddobaadkii hore saameeyay waddamada Turkiga iyo Syria.
Qoyskan ayaa u guuray gobolka dhexe ee Konya iyagoo ka yimid magaalada Nurdagi ee koonfur bari ee dalka Turkiga, oo uu si xun u saameeyay dhulgariirkii 6-dii bishan ku dhuftay waddamadaasi.
Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa sheegtay in shanta carruur ay da’doodu u dhexeyso afar ilaa 13 sano jir.
11-ka gobol ee Turkiga uu ku dhuftay dhulgariirka ayaa waxaa ku nool in ka badan 1.74 milyan oo ah qaxooti u badan Syrian, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Turkiga waxaa ku nool ku dhawaad afar milyan oo qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Syria.