Qoyska hoggaamiyahii xisbiga ODM Raila Odinga ayaa maanta soo saaray farriin dareen leh oo ay ugu mahadcelinayaan dadka Kenya iyo hoggaamiyeyaasha caalamiga ah iyagoo xusaya wixii noqon lahaa dhalashadiisa, bilo ka dib geeridiisa.
War-saxaafadeed ku taariikhaysan Janaayo 7-da, qoyska Odinga ayaa sheegay in maalintaas ay ahayd mid xusuus leh, iyagoo muujiyay mahadnaq ballaraan sheegay inay u hayaan shakhsiyaadka iyo hay’adaha taageeray intii ay ku jireen xilli aad u xanuun badan.
Qoyska ayaa si gaar ah u soo hadal qaaday Madaxweyne William Ruto, Madaxweyne ku xigeenka Kithure Kindiki, Madaxa Golaha Wasiirada Musalia Mudavadi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome iyo dowladda dhan oo ay sheegen inay ka heleen wax ay ugu yeereen taageero heer sare ah, faham iyo naxariis.
Waxay sidoo kale u mahadceliyeen guddiyada kala duwan ee aaska ee isku dubariday oo sheegay inay ahayd mid sharaf leh, waxayna qireen doorka Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo dowladdiisa ay ka qaateen fududeynta dib u soo celinta meydka Odinga ee Kenya.
Madaxweynayaashii hore Uhuru Kenyatta, Olusegun Obasanjo ee Nigeria, Nana Akufo-Addo ee Ghana, Jakaya Kikwete ee Tanzania iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina ayaa sidoo kale lagu xusay ka soo qaybgalka aaska am ay soo direen tacsi.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu aqoonsaday xubnaha bulshada diblomaasiyadeed, dowladaha hoose, iyo golayaasha ismaamulada taageeradooda, iyadoo si gaar ah loogu xusay Guddoomiyaha Nairobi Johnson Sakaja, Guddoomiyaha Kisumu Anyang’ Nyong’o iyo Guddoomiyaha Siaya James Orengo inay fududeeyeen waxa qoysku ku tilmaamay socdaal hufan oo sharaf leh iyadoo ay jiraan duruufo adag.
Hoggaanka baarlamaanka, oo ay ku jiraan Afhayeenka Golaha barrlamaanka Moses Wetang’ula, Afhayeenka Aqalka Senate-ka Amason Kingi iyo Taliyaha Ciidamada Difaaca Jeneraal Charles Kahariri, ayaa looga mahadceliyay isku dubaridka dhacdooyinka la xiriira aaska.
Qoyska ayaa sidoo kale ammaanay warbaahinta maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah sida ay warbixin xirfadeed oo ku saabsan nolosha Odinga iyo safarkiisii ugu dambeeyay u tabiyeen, iyo sidoo kale bahda xisbiga ODM ee midaysan intii lagu jiray baroordiiqda.
Mahadcelin gaar ah ayaa loo fidiyay koox caafimaad oo ay hoggaaminayeen Dr David Oluoch-Olunya, Dr Martin Wanyoike, Dr Eva Njenga, Dr Robin Mogere iyo Dr Abdul Msaddi, iyo shaqaalaha Isbitaalka Devamatha ee Kerala, Hindiya, iyo Isbitaalka Nairobi looguna mahadceliyay daryeelkooda iyo ballanqaadkooda.
Home Wararka Kenya Qoyska Odinga oo uga mahadceliyay dadka Kenya iyo hogaamiyeyaasha adduunka dhalashada hoggaamiyihii...




