Qoyska ku nool Kiamaiko oo codsanaya caawimaad ka dib markii haweenay aan la garanayn ay afduubatay ilmo yar

0
152

Qoyska Maxamed Cabdi oo saddex bilood jir ah oo ka soo jeeda xaafadda Kiamaiko ee magaalada Nairobi, ayaa ka codsanaya dadweynaha inay gacan ka geystaan sidii loo heli lahaa ilmahooda maqan, kaasoo la sheegay in Axaddii ay afduubatay haweeney aan la garanayn.
Saddex maalmood ka dib markii la xaday canuga yar qoyska Maxamed ayaa waxaa ay sii wadaan inay si aan kala joogsi lahayn u raadiyaan wiilkooda, iyagoo ku boorriyay qof kasta oo hayo macluumaad ku saabsan meesha uu joogo inuu ku wargeliyo saldhigga booliiska ee ugu dhow.
Qoyska ayaa walaac qoto dheer ka muujiyay, iyagoo shaaca ka qaaday in ilmo kale oo ka tirsan qoyskooda ballaaran la afduubtay sannadkii hore oo aan waligiis la helin.
Waxaa ay ugu baaqayaan Adeegga Qaran ee Booliiska inay dedejiyaan baaritaannada ku saabsan arrinta oo ay hubiyaan in caddaaladda la helo.
Codsigooda ayay qoyska waxaa ay sidoo kale ku boorriyeen dowladda inay dib u eegto sharciyada korsashada carruurta ee jira, iyagoo ku andacoonaya in qaar ka mid ah dadka maalqabeenka ah ee gudaha dalka iyo dibaddiisa, ay ka faa’iidaystaan nidaamka si ay si sharci darro ah u helaan carruur iyagoo ku andacoonaya inay yihiin kuwo korsiino ah.
Intaa waxaa dheer, waxaa ay ku dhiirigeliyeen milkiilayaasha guryaha iyo maalgashadayaasha inay kameerooyinka CCTV-da ku rakibaan meelaha la deggan yahay si loo xoojiyo amniga kiraysteyaasha iyo dadka deggan.
Dhacdadan ayaa waxaa ay imaanaysaa iyadoo iskuullada ay u xiran yihiin fasaxa dheer ee dhabayaaqada sanadka muddadaas oo ay mas’uuliyiinta si isdaba joog ah uga digeen waalidiinta inay aad u feejignaadaan, iyadoo ay sii kordhayaan kiisaska afduubka carruurta iyo ka ganacsiga dadka ee dalka oo dhan.