Qoysaska danyarta ah ee ku nool Nairobi oo helaya caymis caafimaad

0
245

Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa lagu wadaa inay soo bandhigto caymis caafimaad oo ay ka faa’iidaysanayaan qoysaska danyarta ah.
Wajiga koowaad ee barnaamijkan ayaa lagu bartilmaameedsanaya qoysas gaaraya 232,000.
Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa laga soo xigtay inay kaashanayaan sanduuqa qaran ee caymiska caafimaadka ee (NHIF) .
Maamulka caasimadda dalka ayaa bil waliba qoysaska danyarta ah u qoondeyn doono 8,600 oo shilin si ay u helaan caymis caafimaad.
Barnaamijkan ayaa sanadkii hore looga hirgeliyay ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka waxaana ka faa’iidaystay ilaa 20,000 oo qoysaska saboolka ah.