Qoys ku nool xaafada Kasarani ee Nairobi oo cadaalad dalbanaya

0
267

Qoys ku nool xaafadda Kasarani ee Nairobi ayaa raadinaya jawaabo ka dib dhimashadii qarsoodiga ahayd ee ku timid mid ka mid ehelkooda.
Ninka dhimashadiisa loo raadinayo jawaab ayaa lagu magacaaba Michael Habel Onyancha .
Qoyskiisa waxaa ay Booliska ka dalbanayaan in ay dadajiyaan baaritaanada la xiriira xaaladihii sababay dhimashada 33-jirka.
Qoyska iyo asxaabtiisa ayaa sheegay in uu dhintay ka dib markii uu dabaqa seddaxaad ka soo dhacay dhismo ku yaala Xaafada Kasarani ee Nairobi.
Muuqaalka Cameerada qarsoon ee CCTV-da ayaa muujinaya in xilikii ugu dambaysay noloshiisa ninkaas ay haweeneey la socotay taasi loogaa shakisan yahay dhimashadiisa.
Sikastaba ahaate Booliska ayaa baaritaan ku haya dhacdaan.