Qoys ku nool Kwale oo raadinaya cadaalad ka dib markii la helay meydka gabar yar oo la la’aa

0
98

Qoys ku nool tuulada Fihoni ee deegaanka Msambweni ee ismaamulka Kwale ayaa dalbanaya cadaalad ka dib geeridii gabadhooda 16 jirka eheed, oo meydkeeda la helay ka dib markii la waayay saddex maalmood.

Ardayada oo lagu magacaabo Grace Mongeli Nzioki, oo ah ardayad fasalka saddexaad ka barata dugsiga sare ee Kinondo, ayaa ka baxday gurigeeda Arbacadii la soo dhaafay.

Markii dambe meydkeeda ayaa laga helay meel u dhow guri gaar loo leeyahay oo ku yaal tuulada deriska la ah ee Mwamaye.

Hooyadeed oo lagu magacaabo Dorcas Kaluki Mutisya, oo la hadashay warbaahinta, ayaa walaac ka muujisay in gabadheeda ay waxyeello ka soo gaartay dad ay taqaano.

Waxaa ay su’aal gelisay horumar la’aanta baaritaanka, iyadoo xustay in inkastoo ay arrinta u gudbisay Saldhigga Booliiska ee Msambweni, haddana aan wax eedeeysane ah loo soo xirin.

Guddoomiyaha tuulada Fihoni, Cabdallah Athumani, ayaa xaqiijiyay in baaritaannada ay socdaan. Waxaa uu qoyska u xaqiijiyay in mas’uuliyiinta deegaanka ay ka shaqeynayaan sidii loo ogaan lahaa waxa dhacay iyo sidii dambiilayaasha loo horkeeni lahaa cadaaladda.