Qoys ku nool deegaanka Kaloleni ee ismaamulka Kilifi, ayaa dalbanaya cadaalad ka dib markii gabadhooda oo 14 jir ah ay ku dhimatay xaalado aan caddayn wax yar ka dib markii lagu duray isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaal Bombolulu 7-dii bishan October ee 2025-ka.
Qofka geeriyooday oo aheed arday fasalka siddeedaad ee dugsiga Twinkle Stars Junior Secondary School, ayaa la sheegay in ay la kulantay dhibaatooyin xilli ay ka soo baxday isbitaalka.
Sida laga soo xigtay qaraabadeeda ayaa geeriyootay iyadha oo loo sii wado magaalada Mariakani.
Xubnaha qoyska ayaa sheegay in gabadha, oo lagu magacaabo Muthoni, ay u raadsatay daryeel caafimaad ka dib qufac joogto ah oo ay isku aragtay iyadhoo dhakhtarka uu ku duray daawooyin ka hor tag ah.
Xaaladeeda ayaa la sheegay in ay ka sii dartay wax yar ka dib markii ay isbitaalka ka baxday.
Baaritaanka dhimashada ka dib oo lagu sameeyay 8-dii bishan October ee isbitaalka guud ee Kilifi ayaa san cadeyn sababta dhabta ah ee dhimashada, taasoo keentay baaritaano dheeraad ah.