Qoys ka kooban 8 xubnood oo lagu dilay Qaza

0
338

Waxaa duqeymaha dhanka cirka ah ee ay Israa’iil ka gaysanaysa magaalada Qaza lagu dilay 8 xubnood oo isku qoys ah.
Arrintan ayaa saameysay Ala al-Kafarneh oo dadka dhintay ay ka mid ahayd xaaskiisa oo xaamila ah.
Ninkan keligii ayaa ka badbaaday weerarka Israa’iil ee ay ku nafwaayeen xubnaha kale ee qoyskiisa.
Waxaa uu sheegay in la soo weeraray abaare 4-tii aroornimo iyagoo aan waxba galabsan ilaa iyo haddana uunan ogeyn sababta loo laayay qoyskiisa.