Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta ahna guddoomiyaha guddiga adeegga baarlamaanka ee (PSC), Moses Wetang’ula ayaa shaaca ka qaaday istaraatiijiyad la doonayo in lagu xaqiijiyo amniga baarlamaanka iyo aqalka sare ee dalka.
Waxaa arrinkan iska kaashanaya saraakiisha sare ee guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC iyo barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja.
Wetangula ayaa ku dadaalaya in dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi loo faahfaahiyo qorshaha guddiga PSC ee sugidda baarlamaanka iyo agagaarkiisa.
Waxaa qorshaha qayb ka ah in xubnaha baarlamaanka , senatarrada iyo shaqaalaha labadan gole ay helaan nafaas ku filan si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka.
Moses Wetangula ayaa sheegay in dayactir lagu sameyn doono xafiisyada xildhibaannada, senatarrada iyo shaqaalaha kale ee goobahan iyo halka baabuurtooda lagu baakimo.