Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada maamul goboleedka Jubbaland ayaa Magaalada kismaayo ka Daahfurtay Qorshaha Ilaalinta Bulshada ee 2025–2029
Daah-furka Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaano, Agaasimayaal guud, Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Maamulka Degmada Kismaayo iyo howlwadeenno kale.
Guddoomiyaha Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland Siyaad Ibraahim Maxamed, ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la helo qorshe waara oo bulshada lagu ilaalin karo, looguna adeegayo si hufan.
Ibraahim Maxamed Qooshow, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid laf-dhabar u noqon doona xoojinta adeegyada bulshada, gaar ahaan kuwa u baahan daryeelka gaarka ah sida dadka naafada ah, haweenka, iyo carruurta.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in qorshahan uu noqon doono mid furan, lagana qaybgelin doono dhammaan qaybaha bulshada si loo helo xal waara oo ay bulshada Jubbaland ku gaarto horumar iyo barwaaqo.