Qorshaha cusub ee badda oo higsanaya inuu ilaaliyo badaha iyo bulshooyinka dalka

0
242

Tobannaan sano, xiisado ayaa ka taagnaa xeebaha dalka iyadoo kalluumaysatada, howl wadeennada dalxiiska, kooxaha ilaalinta, iyo maalgashadayaasha ay u tartamayeen xakamaynta kheyraadka badda.
La’aanta qaab dhismeed cad oo lagu hagayo isticmaalka badda ayaa waxaa ay keentay sheegashooyin is daba joog ah, xaalufinta deegaanka, iyo xiriirka bulshooyinka xeebaha dhexdooda oo xumaaday.
Si loo soo dabbaalo nidaamka iyo kor u qaadida maareynta joogtada ah ee kheyraadkaas, dowladda ayaa waxaa ay bilawday horumarinta qorshaha badda ee qaranka (MSP). Qaab dhismeedkan dhamaystiran ayaa waxaa uu kala xadayn doonaa oo u qoondayn doonaa aagagga badda si loo isticmaalo adeegyo kala duwan, oo ay ku jiraan kalluumaysiga, dalxiiska, gaadiidka, iyo ilaalinta.
Qorshahan ayaa waxaa hormuud ka ah mashruuca kalluumeysiga badda ee Kenya iyo horumarinta dhaqan dhaqaale ee (KEMFSED) oo hoos yimaada Wasaaradda Macdanta, Dhaqaalaha Buluugga ah, iyo Arrimaha Badaha.
Dr Jackline Uku oo ah Isuduwaha Qaranka ee Qorshaha MSP ayaa sheegtay in hindisaha uu doonayo in la isku dheellitiro danaha tartanka iyada oo la hubinayo in howl kasta oo badda ah lagu qabto meel ku habboon.
Nidaamka ayaa waxaa uu isu keenaa hay’adaha muhiimka ah, oo ay ku jiraan Guddiga Qaran ee Dhulka, Waaxda Dhulka iyo Qorshaynta, Unugyada Maareynta Xeebta (BMUs), iyo kooxaxa ilaalinta deegaanka. Wadashaqeyntooda ayaa waxaa ay ujeedadeedu tahay in la hubiyo in qorshaha ugu dambeeya uu ka tarjumayo xaqiiqooyinka maxalliga ah iyo caddaynta sayniska.
John Ntabo, oo ah Agaasime ku xigeenka Waaxda Dhulka iyo Qorshaynta ee dowladda, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ka qaybgalka dadweynaha ee qaabaynta qorshaha.
Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay tallaabadan, iyagoo sheegay inay muujinayso tallaabo muhiim ah oo wax looga qabanayo murannada soo noqnoqda ee ku saabsan gelitaanka iyo isticmaalka badda.