Qorshaha booliiska Kenya lagu gaynaya Haiti oo gabogabo ah

0
258

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Korir Sing’oei ayaa sheegay in lagu guda jiro marxaladihii ugu dambeeyay ee qaar ka mid ah ciidamada booliiska Kenya lagu gaynaya wadanka Haiti.
Xilli uu ka hadlayay shir jaraaid ayuu sheegay in arrinkan laga dhabeyn doono maalmaha nagu soo aaddan.
Sing’oei ayaa xusay in Kenya ay hoggaamin doonto howlgalka nabad-sugidda ee Haiti oo ay taageeraysa qaramada midoobay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda Kenya ay muddo diyaar garow ku jirtay sidaasi awgeedna la dhaqangelin doono heshiis laba geesood ah oo ay wada gaareen dalalka Kenya iyo Haiti.
Xoghayaha ayaa dhanka kale beeniyay wararka sheegaya in madaxweynaha dalka William Ruto uu safar ku tagi karo Haiti maadaama uu laga billaabo berri safar afar cishe ah ugu ambabaxaya Maraykanka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wakaaladda wararka ee AFP ay ku warrantay in 200 oo ka mid ah 1,000 booliis oo ay Kenya ballan qaadday 23-ka bishan la geyn doono Haiti marka ay kulmayaan madaxweyne William Ruto iyo dhigiisa Maraykanka Joe Biden.
Hasa ahaate , dowladda Kenya ayaan arrinkaasi ka falcelin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxa xisbiga Thirdway Alliance Dr .Ekuru Aukot uu gudbiyay dacwad uu uga soo horjeedo in qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka ee dalka la geeyo Haiti si ay ula dagaallamaan kooxo hubeysan oo halkaasi ka wado rabshado.
Sidoo kale , waxaa dowladda dalka qorshahan ku dhaliilay ururka qareennada wadanka ee LSK oo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo lagu dafiraya amarkii lagu hor istaagay ee maxkamadda sare.