Ciidamada booliiska ee dalka ayaa sheegay in hal qof lagu dilay xerada qaxootiga ee Kakuma ee ismaamulka Turkana.
Tani ayaa timid ka dib iskudhac dhex maray labo ka mid ah bulshooyinka qaxootiga ee ay xeradaasi hooyga u tahay.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay aagga tuulada Kalobeyei
Wararka ayaa intaasi ku daraya in isku dhaca ay labo qof oo kale ku dhaawacmeen.