Qof looga shakisan yahay argagixisannimo oo lagu qabtay Lamu

0
473

Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in saraakiisha sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da ay aagga loo yaqaano Milimani ee ismaamulka Lamu ka soo qabteen qof looga shakisan yahay inuu xubin ka yahay Al-Shabaab.
Howlgalka oo shalay la fuliyay ayaa sidoo kale lagu soo helay hub badan.
Waaxda NPS ayaa laga soo xigtay in howlgalka amni uu ahaa mid xog-sirdoon ku saleysan oo looga gol-leeyahay in maleeshiyaadka looga saaro keynta Boni ee dowlad deegaankaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tuhmanaha la qabtay uu qayb ka ahaa koox dhawaan weerar aan lagu guulaysan ku qaadday mid ka mid ah saldhigyada ciidamada ammaanka.
Booliska ayaa xusay in eedeysanaha uu ka muuqdo dhaawac rasaas oo uga yaalla anqawga korkiisa ee lugta bidix.
Waxaa uu tuhmanaha hadda ku jiraa saldhigga booliska iyadoo saraakiisha ammaanka ay dabagal ku hayaan shakhsiyaadka kale ee la rumeysan yahay inay isku koox yihiin.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa dadweynaha uga mahadcelisay sida ay saraakiisha garab ugu siiyaan la dagaalanka argagixisada .
Shacabka ayaa lagu boorriyay inay sii wadaan inay xoghaha muhiimka ee amniga la wadagaan saldhigyada ugu dhow.