Qof loo xiray dilka hooyo sanadkii hore lagu dilay Garissa oo xabsi ku jiro

0
382

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay inuu xabsi ku jiro qof loo haysto inuu bishii Diseembar ee sanadkii hore uu magaalada Garissa ku dilay hooyo ganacsato ahayd oo lagu magacaabi jiray Khadiija Xuseen Faarax.
25-kii bishii 12-aad ee sanadkii 2022-kii ayuu dilkaasi dhacay.
Eedeysanaha falkan lala xiriirinaya ayaa lagu magacaabaa Michael Barasa Wanyama waana 20 sano jir.
DCI-da ayaa sheegtay in tuhmanaha uu maxkamadda ka soo hormuuqan doono 10-ka bisha Afaraad ee sanadkan si uu uga jawaabo dacwadda lagu soo oogaya.