Qof loo soo magacaabay xilka qareenka dowladda oo la turxaan bixin doono

0
312

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa Khamiista soo socoto ee 23-ka bishan turxaan bixin ku sameyn doono Shadrack Mose oo loo soo xushay inuu noqdo qareenka dowladda.
Mose ayaa horay u soo noqday xildhibaanka deegaanka Kitutu Masaba .
Waxaa laga doonaya in 23-ka bishan uu abaare 10-ka barqanimo ka soo hormuuqdo guddiga baarlamaanka u qaabilsan cadaaladda iyo sharciga.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa warqad uu u gudbiyay baarlamaanka ,Shadrack Mose ugu magacaabay qareenka dowladda.
Haddii loo ansixiyo jagadan , waxaa uu beddeli doonaa Ken Ogeto .