Waxaa ismaamulka Mombasa lagu xiray mid ka mid ah dadka isticmaala barta muuqaallada kooban ee TikTok.
Saraakiisha dambi baarista ayaa xabsiga u taxaabay Shedrack Omondi Okindo, oo loo yaqaano Hon. Mosquito.
Waxaa lala xiriirinaya muuqaal bartan lagu faafiyay 1-dii bishan Sideedaad ee August kaaso oo lagu tilmaamay mid abuuraya kicin dadweyne.
DCI ayaa hoosta ka xarriqday in muuqaalka ay ku jiraan hanjabaado la xiriira shaqaaqooyin iyo kicin taasina walaac laga muujiyay .
Saraakiisha ayaa xusay in ay Okindo ka soo saareen goob uu ku dhuumaanayay oo ka tirsan aagga Miritini ee Mombasa wuxuuna hadda ku jiraa saldhigga booliiska ka hor inta uunan maxkamadda ka soo hor muuqan.