Qof loo haysto inuu dilal ka gaystay Nakuru oo xabsiga ku sii jiri doono

0
304

Waxaa maalmo dheeraad ah xabsiga lagu sii hayn doonaa qof ku eedeysan inuu saddex haween ah iyo gabadh yar ku dilay ismaamulka Nakuru.
Ezekiel Sakwa Mwangi oo 30 sano jir ah ayaa maanta la soo taagay maxkamadda Molo.
Waxaa uu ka soo hormuuqday garsoore sare Elena Gathoni.
Laamaha ammaanka oo eedeysanaha ku xiray aagga Ngata ee deegaanka Rongai ee Nakuru ayaa maxkamadda ka codsaday in la siiyo maalmo dheeraad ah oo ay baaritaannada ku soo gabagabeyn karaan.
Mwangi ayaa la rumeysan yahay inuu tacaddi galmo iyo jirdil u gaystay haweenka iyo gabadha ka hor inta uunan dilin.
Meydadka afarta qof ayaa laga dhex helay meel duur ah iyo beer galleyda lagu abuuro.
Waaxda dacwad oogidda ayaa maxkamadda u sheegtay in afarta qof xilliyo iyo goobo kala duwan oo ka tirsan Rongai lagu dilay.
Dacwad ooge Peninah Owanda ayaa maxkamadda u sheegtay in booliiska ay u baahan yihiin 30 cishe oo dheeraad ah oo ay ku uruurinayaan macluumaad ku saabsan eedeysanaha iyo dhibbanayaasha.
Garsooraha ayaa codsigaasi oggolaatay waxayna amartay in tuhmanaha uu saldhigga booliiska ee Menengai ku jiro ilaa 19-ka bisha Sagalaad ee sanadkan xilligaasi oo ay maxkamaddu soo qaadi doonto dacwadaha kufsiga, faraxumeynta iyo dilalka ee ka dhanka ah.