Waxaa maxkamadda Kahawa ka soo hormuuqday Joseph Mbira Thuku.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in loo haysto inuu abaabulay mudaaharaad rabshadeysan oo ka dhacay ismaamulka Embu.
DCI ayaa laga soo xigtay in Joseph lagu soo xiray howlgal si habsami leh loo agaasimay.
Maxkamadda ayaa saraakiisha u qabatay muddo shan cishe oo ay ku soo gabagabeynayaan baaritaannada .
Wuxuu qorshuhu yahay in maxkamadda ay mar kale dacwaddan soo qaaddo 4-ta bisha Sideedaad ee August ee sanadkan.