Qof ku eedeysan argagixisannimo oo la xiray 30 sano

0
328

Maxkamadda ismaamulka Busia ayaa eedeysane lagu magacaabo Jackton Jacob Kanoti oo loo yaqaano Cabdul Xakiim ku ridday xukun xabsi oo 30 sano ah.
Waxaa lagu cadeeyay inuu xiriir la leeyahay kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS.
Dacwadda uu wajahayay ayaa soo billaabatay ku dhawaad 18 bilood ka hor.
Maxkamadda ayaa go’aamisay in Jackton oo laga qabtay ismaamulka Siaya ay waaxda dacwad oogidda soo bandhigtay caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo eedeymaha loo jeediyay.