Waxaa la xaqiijiyay in shil ka dhacay deegaan baarlamaneedka Nyali ee ismaamulka Mombasa uu ku dhintay hal ruux.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baabuurka jiiray qofkan oo waddada goynayay ay isku dhaceen ilaa 6 gaari oo kale.
Booliiska ayaa sheegay in shilka uu ka dhacay waddada u dhexeysa Mombasa iyo Malindi.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in qofka shilka ku geeriyooday ay da’diisu ahayd 48 sano wuxuuna geeriyooday ka dib markii la geeyay isbitaalka Jocham Hospital si looga daaweeyo dhaawacyo soo gaaray.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in rakaabka baabuurta kale ee uu shilkaasi saameeyay ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay baabuurta shilka gashay waxaana hadda lagu sameynaya baaritaano dheeraad ah.