Mid ka mid ah shacabka ku nool ismaamulka Kisii ayaa golaha hoose ee dowlad deegaankaasi u gudbiyay dacwad uu ku doonaya in la kala diro guddiga adeegga dadweynaha.
Waxaa cabashadan lala wadaagay guddiga arrimaha shaqada iyo shaqaalaha ee golaha hoose ee Kisii.
Benson Atika ayaa codsigiisa ku saleeyay in la howlgeliyay shaqaale been abuur ah.
Waxaa uu ku doodaya in xubnaha guddiga adeegga dadweynaha ee Kisii ay baal mareen xeerarka dastuuriga ee u degsan shaqaaleysiinta sida dallacsiin aan loo marin nidaamka habboon.
Waxaa Benson matalaya qareen lagu magacaabo Nyamweya Mogusu.