QM oo sheegtay in shaqaalaha samafalka ee Qaza ay howlahooda joojin karaan 48 saacadood gudahooda

0
184

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee Falastiin ee UNRWA ayaa soo saartay digniin ah in howlwadeennada gargaarka ee Qaza ay dantu ku qasbi karto inay muddo 48 saacadood gudahooda ah ay joojiyaan shaqooyinka ay hayaan.
Waxay tani u aaneysay gabaabsi dhanka shidaalka ah iyo duqeymaha Israa’iil.
Digniintan ayaa ku soo aadaysa ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Falastiin Maxamad Ibraahim Shtayyeh uu Midowga Yurub iyo qaramada midoobay ugu baaqay inay gargaar gaarsiiyaan marinka Qaza.