Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dagaalka ugu yaraan 100 cishe ka socdo wadanka Suudaan, ilbiriqsi kasta ay waxyeello ka soo gaarto mid ka mid ah ubadka dalkaasi.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ilbiriqsi kasta uu canug dhaawacmo ama la dilo.
Iskudhacyada u dhexeya ciidamada militariga ee Suudaan iyo saraakiisha gurmadka degdegga ee RSF ee ay kala hoggaamiyaan Cabdel Fattax al-Burhan iyo Maxamad Hamdan Daglo ayaa soo billowday bartamihii bishii Afaraad ee sanadkan.
UNICEF ayaa diiwaangelisay xadgudubyo ay ku tilmaantay kuwo waawayn oo ka dhan ah xuquuqda carruurta oo gaaraya 2,500 .
Waxay intaasi ku dartay in dagaallada Suudaan lagu dilay ugu yaraan 435 carruur ah halka la dhaawacay 2,025 kale.
Sidoo kale waxaa gargaar baniaadannimo u baahan 14 milyan oo carruur ah.