Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in dagaalka ka taagan dalka Suudaan uu ku sii fidaya gobollo hor leh.
Waxaa tan iyo bishii afaraad ee sanadkan isku dhacyada u dhexeya ciidamada militariga ee Suudaan iyo saraakiisha RSF ku barakacay in ka badan 7 milyan oo qof halka kumanaan kalena lagu dilay.
Ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Afrika Martha Ama Akyaa Pobee ayaa walaac ka muujisay xaaladda ka sii dareysa ee Suudaan.
Waxay golaha ammaanka ee qaramada midoobay u sheegtay in dalkaasi ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ka dhan ah xuquuqul aadanaha.
Waxaa toddobadii bilood ee ugu dambeeyay gargaar baniaadannimo la gaarsiiyay 4.1 milyan oo ka mid ah shacabka Suudaan.
Hasa ahaate tiradan ayaa u dhiganta keliya boqolkiiba 22 dadka caawimaadda u baahan.