Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in nafaqo darrada ay wajahayaan carruurta ku nool Qaza ay tahay mid baahsan oo sii fidaysa.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA ayaa laga soo xigtay in xaaladda ugu daran ay ka jirto Waqooyiga Qaza.
Hay’adda ayaa sheegtay in mid ka mid ah saddexdii canug ee ay da’doodu ka hooseyso labo sano uu wajahaya nafaqo darro saaid ah.
Waxay intaasi ku dartay in dhibaatadu ay gaartay heer aan horay loo arag.