QM oo sheegtay in carruurta Qaza ay wajahayaan dhibaatooyin aan la suureysan karin

0
312

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA ayaa sheegtay in carruurta ku nool Qaza ay wajahayaan dhibaatooyin aan la suureysan karin.
Waxay soo xigatay warbixinta hay’adda UNICEF ee ah in 9 ka mid ah 10-kii canug ee Qaza ay wajahayaan cunno yari aad u daran.
UNRWA ayaa mar kale ku baaqday in ay xabbad joojin degdeg ah ka dhaqan gasho marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Hay’dda samafalka ee Oxfam ayaa dhankeeda laga soo xigtay in carruur badan ay maalmo ku qaadato in ay helaan wax ay cunaan.