Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa ku baaqday in baaritaano madax bannaan lagu sameeyo dilal wadareed ka dhacay wadanka Burkina Faso.
Dilalkan ayaa la soo tabiyay bishan dhexdeeda waxaana falalkan looga takhalusay dhowr qof oo ay carruur ka mid yihiin.
Isniintii ayay ahayd markii dacwad oogaha guud ee wadanka Burkina Faso uu sheegay in ugu yaraan 70 qof lagu dilay weerar la gaystay 5-tii bishan.
Weerarkaasi ayaa laga fuliyay magaalada Zaongo ee bartamaha waqooyiga dalkaasi.
Dadka la dilay badankooda ayaa ahaa carruur iyo waayeello.
Xafiiska qaramada midoobay ee arrimaha xuquuul aadanaha ayaa walaac ka muujiyay arrinkan.
Afhayeenka xafiiskan , Liz Throssell ayaa bayaan ku sheegtay in maamulka ku meel gaarka ah ee Burkina Faso ay ka dalbanayaan inuu baaritaano madax bannaan , qoto dheer oo daahfuran uu ku sameeyo dilalka la gaystay si dadkii ka dambeeyay lagula xisaabtamo.
Waxay intaasi ku dartay inay jiraan dad badan oo sidoo kale la dhaawacay.
Waxaa sidoo kale baaritaan degdeg oo arrinkan ku aaddan dalbatay hay’adda badbaadinta carruurta ee Save the Children .