Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabisan Arrimaha Dalka Soomaaliya James Swan oo shalay ka qeyb galay shir ay yeesheen Golaha Ammaanka ayaa ka hadlay Xaaladda bani’aadannimada ee Xiligaan ka jirta qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
James Swan Wuxuu sheegay inay weli liidato Xaaladda Bani’aadannimada ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Qaar, isla markaana dadka danta yar ay u baahan yihiin Gargaar.
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in 19 boqolkiiba Qorshaha ka Jawaabidda Xaaladda Bani’aadannimada ee sanadka 2021 loo helay lacag, iyadoona in ka badan saddex-meelood meel dadku ay u baahanyihiin Gargaar.
Ugu dambeyn Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabisan Arrimaha Soomaaliya ayaa dowladdaha xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ka codsaday in ay bixiyaan tabarucaad dheeri ah oo lagu caawinayo dadka u baahan Gargaarka.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shirkii ay shalay heen xaaladda dalka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay doorashada dalka ka dhaceysa, waxaana khudbad ka jeediyay James Swan iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira.