QM oo ka digtay duullaanka Israa’iil ee Rafah

0
366

Hay’adaha qaramada midoobay iyo ururrada samafalka ayaa ka digaya in saameyn daran ay ka dhalan doonto duullaan kasta oo militari oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsato magaalada Rafah.
Tani ayaa timid ka dib markii tobanaan kun oo Falastiniyiin ah lagu amray in ay halkaasi ka baxaan ka hor inta aan la weerarin.
Ugu yaraan 34,789 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado Qaza lagu dilay halka la dhaawacay 78,204 kale laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii.