QM oo heshiiska xabbad joojinta ee Qaza ku tilmaantay mid nugul

0
67

Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ,Antonio Guterres ayaa heshiiskii xabbad joojinta ee ay horraantii bishii hore wada saxiixdeen Israa’iil iyo ururka Xamaas ee dalka Falastiin ku tilmaamay mid nugul.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in is-afgaradka xabbad joojinta ee Qaza uu noqday mid marar badan lagu xadgudbay.
Waxaa uu ku baaqay in heshiiskaasi la qadariyo loona adeegsado dardargelinta dadaallada nabadeed.