QM oo dalbatay in la joojiyo xasuuqa rayidka Qaza

0
257

Khabiir gaar ah oo si madax bannaan ula shaqeeya qaramada midoobay ayaa dalbaday in si degdeg ah loo joojiyo xasuuqa lagu hayo shacabka Qaza.
Waxaa uu sheegay inay qasab tahay in sidan la sameeyo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo isbitaallada Qaza ay la daala dhacayan tirada badan ee Falastiiniyiinta ee u baahan daryeelka degdegga ah.
Dhanka kale mas’uul sare oo ka tirsan ururka Xamaas ayaa sheegay in aynan la xaajoon doonin Israa’iil ilaa inta ay ka joojinaysa duulllaanka militari ee ay ka wado Qaza.
Saraakiisha Israa’iil ayaa dhankooda wacad ku maray inay weerarrada sii wadayaan.