QM oo baroordiiq u sameysay in ka badan 100 sarkaal oo looga dilay Qaza

0
207

Howlwadeennada jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa maanta baroordiiq u sameeyay in ka badan 100 ka mid ahaa shaqaalaha qaramada midoobay oo lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ka wado Qaza.
Waxay aamusnaayeen hal daqiiqo iyagoo xusuusanaya nolosha howlwadeennada la dilay.
Sidoo kale calamada qaramada midoobay ayaa meel dhexe la geeyay.
Baroordiiqa ayaa lagu qabtay xafiisyada UN-ta ee magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Shaqaalaha gaaraya 101 ee weerarrada Israa’iil lagu dilay ayaa ka tirsanaa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga Falastiin ee UNRWA .
Tatiana Valovaya, agaasimaha qaramada midoobay ee Geneva ayaa sheegtay in tiradan ay tahay howlwadeenadii ugu badnaa ee hay’addan laga dilay muddo kooban gudaheeda.