Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa ansixiyay qaraar dhigaya in guddi madax bannaan loo saaro inuu baaritaano ku sameeyo dhacdooyin laga soo tabiyay gudaha wadanka Syria oo lagu waayay in ka badan 130,000 oo qof.
Tani ayaa lagu tilmaamay falcelin muhiim u ah codsiyada qoysaska iyo ehellada dadka la la’yahay.
Waxaa qaraarka codkooda ku taageeray 83 ka mid ah 193-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha guud ee qaramada midoobay.
Waxaa ka soo horjeestay 11 xubnood halka ay ka aamuseen 62 kale.
Xubnaha diiday waxaa ka mid ah dowladda Syria oo sheegtay inaynan la shaqeyn doonin guddiga la magacaabaya.
Waxaa sidoo kale codeynta ka soo horjeestay dowladaha Ruushka, Shiinaha, Belarus, Kuuriyada Waqooyi, Cuba iyo Iiraan.
Dagaalka ay saameynta ka dhalatay ee Syria ayaa socdo muddo 12 sano ah.




