QM: M23 waxay jebinaysa heshiiskii xabad joojinta

0
277

Warbixin ay soo saartay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in xoogagga M23 ee ka dagaallamaya gudaha dalka DRC aynan ilaalinayn heshiis xabad joojin ah oo horay loo gaaray.
Xarunta sirdoonka ee (JMAC) oo qayb ka ah jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa arrinkan shaaca ka qaadday.
Warbixinta ayaa la diyaariyay laga soo billaabo 26-kii bishii Diseembar ee sanadkii hore ilaa 3-da bishan Jannaayo
Khuburrada falanqeeya arrimaha sirdoonka ee qaramada midoobay ayaa sheegay in bariga Congo lagu arkay dhaqdhaqaaqyo looga shakisan yahay fallaagada M23 in kastoo kooxda laga doonayay inay si buuxda uga baxdo gobolkaasi.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii Arbacadii ay kooxda M23 beenisay wararka sheegaya inaysan weli dagaalyahanadeeda ka bixin aagga loo yaqaano Kibumba.
Waxay sheegtay in halkaasi ay ugu dambeysay 23-kii bishii hore.
Bishii 11-aad ee sanadkii 2022-kii ayay ahayd markii madaxda jaaliyadda bariga Afrika ay gaareen heshiis ah in kooxdan aynan ku sii sugnaan deegaano ay ka qabsatay dowladda jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Sanadkii hore waxaa dagaallo ka soo cusboonaaday Congo ku barakacay in ka badan 450,000 oo qof.
Dowladda DRC, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa dowladda Rwanda ku eedeyay inay garab siiso fallaagada M23 in kastoo xukuumadda Kigali ay eedeymahan gaashaanka u daruurtay.