QM: Israa’iil waxay hor istaagtay gargaar la gayn lahaa waqooyiga Qaza

0
327

Xafiiska Qaramada Midoobay ee qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadanimada ayaa sheegay in mas’uuliyiinta maamulka Israa’iil ay hor istaageen howlgallada gargaarka ee dawooyinka iyo sahayda shidaalka ee la gaynaya waqooyiga marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Dhowr hay’adood oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in halkaasi gargaar la geeyo, iyadoo dadka ay wajahayaan macluul iyo cudurrada faafa.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ugu yaraan 132 qof lagu dilay magaalada Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Wafa.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, ugu yaraan 24,100 qof ayaa la dilay halka in ka badan 60,800 oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada Israa’iil ay kawada Qaza.