Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegaysa in gudaha wadanka Ukraine ay ka barakaceen ugu yaraan 4 milyan oo qof.
Dadkan ayaa qaxooti noqday laga soo billaabo 24-kii Febraayo oo uu Ruushku qaab militari ugu duulay Ukraine.
2.3 milyan oo tiradan ka mid ah waxay gudaha u galeen wadanka Ukraine dariska la ah ee Poland.
Barakacayaasha gudaha ee Ukraine ayaa ah qiyaastii 6.5 milyan oo hadda hooy la’aan ah.
Dhanka kale qaramada midoobay ayaa saddex sarkaal oo ku takhasusay xuquuqul insaanka u xilsaartay inay baaritaanno madax bannaan ku sameeyaan dembiyada dagaal iyo xadgudubyada kale ee xukuumadda Moscow lagu eedeynaya inay ka gaysatay dalka Ukraine.
Guddigan ayaa waxaa hor kacaya Erik Mose oo ka soo jeedo dalka Norway.