Madaxa arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa sheegay inuu rajeynaya in tirada dadka ee ilaa iyo hadda ku dhintay dhacdooyinkii dhulgariirka ee saameeyay dalalka Turkiga iyo Syria inay laba jibbaar noqoto.
Arrintan ayuu sheegay ka dib markii uu gaaray Koonfurta Turkiga si uu qiimeyn ugu sameeyo baaxadda burburka ka dhashay dhulgariirka.
In kastoo uu qabow saaid ah jiro haddana kumanaan samatabixiyeyaal ah ayaa weli dadka la la’yahay ka raadinaya burburka hoostiisa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in walaac amni awgeed la hakiyay howlgallada qaar.
Sidoo kale waxaa la xiray dad dhowr ah oo ku eedeysan inay ku kaceen boob ama inay khiyaanaan dhiibanayaasha ka dib dhulgariirkii dhacay.




