Qiimaha shidaalka oo laga dhimay 7 shilin

0
285

Maamulka maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka ee dalka ee EPRA ayaa shaaciyay in laga billaabo wixii ka dambeeya saqda dhexe ee caawa uu qiimaha lacageed ee lagu iibsanaya nooca shidaalka ee Super Petrol uu ka yaraan doono 7.21 oo shilin, halka Diesel uu hoos uga dhacaya qiimihiisi hore 5.09 shilin.
Dib u eegistan oo shaqeynaysa ilaa 14-ka bisha Afaraad ee sanadkan, ayaa waxaa ku cad in shidaalka Super Petrol ee ismaamulka Nairobi halkii liitar lagu iibin doono 199.15 halka Diesel-ka uu noqonaya 190.38 shilin.
Maamulka EPRA ayaa sheegay in qiimaha shidaalka Kerosine uu yaraaday 4.49 shilin oo lagu iibsan doono 188.74 shilin.