Qiimaha shidaalka oo laga dhimay 5 shilin

0
334

Maamulka maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka ee dalka ee EPRA ayaa shaaciyay in laga billaabo maanta uu qiimaha lacageed ee lagu iibsanaya noocyada shidaalka ee Super Petrol iyo Diesel sidii hore ka yaraan doono 5 shilin.
Dib u eegistan oo shaqeynaysa ilaa 14-ka bisha Labaad ayaa waxaa ku cad in shidaalka Super Petrol ee ismaamulka Nairobi halkii liitar lagu iibin doono 207.36 halka Diesel -ka uu noqonaya 196.47 shilin.
Agaasimaha guud ee maamulkan Daniel Barforia ayaa sidoo kale sheegay in qiimaha shidaalka Kerosine uu yaraaday 4.82 shilin oo lagu iibsan doono 194.23 shilin.
Halkii liitar ee nooca shidaalka ee Super Petrol ayaa tan iyo bishii hore lagu iibsanayay 212.36 shilin iyadoo naaftada ama Diesel-ka ay ahayd 201.47 shilin liitarkiiba.