Maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ee (EPRA) ayaa dib u eegis ku sameeyay qiimaha noocyada kala duwan ee shidaalka.
Qiimaha lagu kala iibsanaya nooca shidaalka ee Super Petrol ayaa hoos u dhacay 5 shilin halkii liitar ,Naaftada waxaa uu qiimaheeda laga dhimay 2 shilin halka qiimihii lagu iibsanayay Kerosene laga dhimay 4 shilin liitarkiiba.
Waxay tani micnaheedu tahay in hadda batroolka gudaha Nairobi liitarkiiba lagu iibsan doono 212.36 shilin, naaftada waa 201.47 shilin halka Kerosene uu yahay 199.05 shilin.
Qiimahan cusub ayaa shaqeyn doono ilaa 14-ka bisha koowaad ee sanadka 2024-ta.




