Qeybo ka mid ah dalka oo maanta la filaayo inay noqdaan koronto la’aan

0
538

Qeybo kala duwan oo dalka ah, oo ay ku jiraan Nairobi, Mombasa, Kilifi iyo Kwale, ayaa maanta la kulmi doona hakad ku yimaado korontada maadaama shirkadda korontada dalka ee Kenya Power ay dayactir joogto ah ku sameyneyso shabakadeeda qeybinta.
Bayaan ay shirkadda soo saartay ayaa lagu sheegay in hakadka uu soconi doono inta u dhexeysa 9:00 subaxnimo ilaa 5:00 galabnimo.
Ismaamulka Nairobi ayaa qaybo ka mid ah Loresho ayay saamayn doontaa kuwaasoo ay ku jiraan Jaamacadda Nairobi, aagga Kaumoni, dugsiyada hoose iyo sare ee Loresho, isbitaalka Nairobi west iyo macaamiisha ku dhow.
Gobolka Xeebta ee ismaamulka Mombasa, aagagga ku teedsan Waddada xiriirisa Likoni iyo Lunga Lunga, aagga kawaanka, Kona Mpya, Kona Mbaya iyo nawaaxigooda ayaa koronto la’aanta ay saameyn doonta.
Dayactirkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu saameyo qaybo ka mid ah dowlad deegaanka Kilifi.
Ismaamulka Kwale ayaa hakadkan waxaa uu wajihi doonaa inta u dhexeysa 9:00 subaxnimo ilaa 12:00 duhurnimo ee aagagga Shamu iyo Mabokoni.
Dayactirka KPLC ayaa sidoo kale ka dhici doonaa gobollada bartamaha dalka, Nyanza iyo Rift valley
Shirkadda Korontada ee Kenya Power ayaa ku boorisay macaamiisheeda in ay sidaas u qorsheeyaan kana raali ahaadaan wixii dhib ah ee ka soo gaaro hakadka.