Shacabka ku nool marinka Qaza ee dalka Falastiin ayaa saaka ku waa bariistay duullaanka ay wadaan ciidamada Israa’iil
Tani ayaa imaanaysa iyada oo maanta dunida islaamka looga dabaal degaya munaasabadda ciidul fidriga.
Ururka Xamaas ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay dileen taliyihii Qaza, Bassem Ciise .
Waxaa sidoo kale la duqeeyay qaar ka mid ah fariisimaha Xamaas.
Weerarrada Israa’iil waxaa ilaa iyo hadda lagu dilay ugu yaraan 69 qof oo ay ka mid yihiin 17 carruur iyo 8 haween ah.
Dhaawaca waxaa uu kor u dhaafayaa 390.
Dhanka Israa’iil waxaa laga dilay ugu yaraan 6 qof oo uu ka mid yahay canug yar.
Militariga Israa’iil ayaa dhankiisa sheegaya in dhanka marinka Qaza looga soo tuuray 1,500 oo gantaallo ah.