Qaybo ka mid ah Nairobi oo biyo la’aan noqon doono Khamiista

0
216

Shirkadda bixisa adeegyada biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee ismaamulka Nairobi ayaa sheegtay in qaybo ka mid ah xaafadaha caasimadda dalka aynan biyo heli doonin maalmaha Khamiista iyo Jimcada ee toddobaadkan.
Caqabaddan ayaa jiri doonto inta u dhexeysa 6-da subaxnimo ee 9-ka bishan ilaa 6-da subaxnimo ee Jimcada.
Agaasimaha guud ee shirkadda biyaha ee Nairobi ,Nahason Muguna ayaa arrintan u aaneeyay in la wareejinaya dhuumaha biyaha ee u dhow waddada wayn ee Nairobi Expressway.
Meelaha ay biya la’aanta saameyn doonto waxaa ka mid ah garoonka diyaaradaha ee (JKIA), Standard Gauge Railway (SGR), Athi River Export Processing Zone (EPZ), Coca Cola, Mukuru, Imara Daima, xaafadaha u dhow waddada North Airport Road ,Embakasi iyo Tassia .