Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka John Mbadi oo u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa tilmaamay in dib loo soo celin karo qaar ka mid ah soo jeedinnadii hindise sharciyeedkii maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Qorshahan ayay dowladdu ka laabatay ka dib markii ay kenyaanka dhigeen dibadbaxyo ay uga soo horjeedeen.
In kastoo uu xilligaasi baarlamaanka ansixiyay , madaxweynaha dalka William Ruto ayaa diiday inuu qalinka ku duugo wuxuuna amray in dib loo eego iyadoo dadweynaha laga qayb gelinaya.
Hasa ahaate, John Mbadi , wasiirka maaliyadda ayaa hadda sheegaya in ay jiraan qaybo ka mid ah hindise sharciyeedka maaliyadda oo qiimo wayn u leh qaranka.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay soo jeedintii ahayd in la canshuuro sokorta dalka dibadiisa laga soo dejiyo.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay jiraan qorshayaal heer sare maraya oo lagu uruurinaya dakhli dheeraad ah.
John Mbadi ayaa xusay in aynan jirin xaalad degdeg ah sidaasi awgeedna ay adeegsanayan haykalka dastuuriga ee canshuur uruurinta.
Waxaa uu tilmamay in loo baahan yahay in lala yimaado qaab dib loogu soo celinaya qaar ka mid ah qodobbadii hindise sharciyeedkii la laalay.