Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay soo dhistay laan gaar ah.
Qaybtan ayaa loogu talagalay in ay dabagal ku sameyso hanjabaadaha ka dhanka ah shakhsiyaadka baraha intarneetka iyo meelaha ay bulshada ku wada xiriirto ku soo qoro warbixinnada.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ka jawaabayay su’aallo ay waydiiyeen senatarrada dalka.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in aan la caburin xaqa uu qofku u leeyahay inuu dareenkiisa muujiyo.
Waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda dhowr eedeysanayaal loo soo qabtay ka dibna loo maxkamadeeyay dilkii Daniel Muthiani Bernard, oo ku magacdheera Sniper oo ka mid ahaa shakhsiyaadka warbixinnada ku soo daabaco baraha intarneetka ee ismaamulka Meru.